Dhageyso: Siyaasi Si Durugsan U Faaqiday Caqadaha Khilaafka Villa Somalia iyo Maamullada

Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay ka gaabisay doorkeeda xallinta khilaafka siyaasadeed.

Wali waxaa taagan khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland oo wareysi siiyay idaacadda maxalliga ah ee Goobjoog oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa eedda dusha u saaray madaxda ugu sarreeysa dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in ay ka gaabiyeen in khilaafka kala dhaxeeya maamullada afarta ah ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland qaabkii lagu xallin lahaa ay la yimaadaan.

Caqadabaha arrintaas ka dhallan kara ayuu ku tilmaamay in aynaan ahayn wax sahlan loona baahan yahay in go’aamo wax ku ool ah ay Villa Somalia la timaado inta ay ka gudubto madaxweyne goboleed beddal si loogu guuleysto in dib loo yegleelo haykalkii dowladnimo.,

 

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.