Deg Deg :- Siyasi Farax Macalin oo Ka Shifay Xiriirka Kenya iyo Jubaland +

Faarax Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta kenya ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu ku sheegay in Dowlada Kenya ay 1.5 Milyan Dollar ku bixiso bil kasta mushaarka ciidamada Jubbaland.”
Wuxuu is weydiiyay siyaasiga Faarax Macalin in Jubaland ay leedahay 7,000 oo Askari, sidoo kalena ay halkaasi joogaan 4,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, 5,500 ciidan oo Kenyaan ah, 3,000 Itoobiyaan ah iyo 1,000 Askari oo Burundi ka socda, sidaasoo ay tahayna ay ka adkaan waayeen Alshabaab oo tiradooda dhan tahay 1,500 maleeshiyo, kana saari la’ yihiin degaanada Jubbooyinka.
Faarax macallin ayaa aad uga soo horjeedo maamul goboleedyada, sidoo kalena aad u taageero dowladda Madaxweyne Farmaajo.

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.