Baaq Ka dhan ah dorashada Puntland oo loo diray isimada Puntland

Ujeeddo: Codsi ku socda Isimada Puntland

August 18, 2018

September 06, 2017
Ujeeddo: Soo Xulidda Golaha Wakiilada (Xildhibaanada) Puntland.

Waxa qoray:- Abdirizak Ducaysane

Qabsoomiddii shirweynihii asaasidda Puntland ee 1998-dii waxaa garwadeen ka ahaa oo guddoomiyey Isimmada Puntland. Waxaa kaloo ay tahay in la is-xusuusiyo in doorashadii labaad iyo tii saddexaad ay adkaan lahayeen inay qabsoomaaan haddii aaney Isimadu faragelin ku samayn xiisadihii siyaasadda ee jirey.

Maadaama Labaatan sano ka dib, Puntland waxay ku guul daraysatay aan weli lagu guuleysan inay u gudubto tartanka Xisbiyo badan iyo doorasho HAL QOF IYO HAL COD ah. Waxaa Iyana in Puntland u gudubto tartan xisbiyo badan ku salaysan ooh al qof hal cod, marag ma doonto ah in mar kasta oo loo noqdo habka ku dhisan qaab beeleedkana ay waa Isimmada yihiin kuwa go’aaminaya qofka noqonaya xildhibaan Golaha Wakiilada, taas oo micnaheedu yahay waxii uu la yimaado xildhibaanku, wanaag iyo xumaan, in masuuliyadeeda ay Isimadu leeyihiinda.

Arrimahaas oo dhan waxay ka marag kacayaan in mas’uuliyadda ugu dambaysa ee aayaha siyaasadda uu weli saaranyahay Isimmada Puntland.

Si loo gaaro loogana miro dhaliyo ujeedadii iyo hadafkii loo yagleelay Puntland 19 sano ka hor 1998dii, hase yeeshee lagu guul daraystay sababo faro badan awgood oo ka bilaabma kuna dhammaada tayo xumida golaha Wakiilada Puntland ee aad ku aaminteen masiirka iyo matelaadda shacabkooda aad idinku hormoodka u tihiin, nasiib darrose noqday kuwo gudan waayey waajibaadkoodii dastuuriga ahaa.

Mudanayaal, Iisimada Cisiga iyo sharafta lahow, idin kama dahsoona waaqica amase xaaladda dhabta ah oo ay maanta Puntland ku sugantahay, caalamkuna waa ogsoonyahay, madow iyo cadaanba. Waxaan laga been sheegaynin inay Puntland maanta ka hoosayso halkii ay joogtay waagii loo yiqiin Gobolada Waqooyi Bari, xag Ssiyaasadeed, Ddhaqaale, Aamni, iyo dhaqanba oo sababsaday iyo arimo bulsho, sababteedana waxaa leh hHoggan xXumo siyaasadeed oo magansatay oo magansatay Tayo Xumida Golaha Wakiilada, xag aqooneed iyo xag wadaniyadbanimo, gudan waayeyna aran waayeyna waxa shashaqadoodiiu tahay, caadaystayna musuqmaasuq, sidii dhacdadii dhacday (August 7, 2017.)

Isimada sharafta badanow, Caano daatay hambadoiodaa la qabtaa, Puntland wali caymo ayey leedahay, waxaana bad-baadin kara, waa Ilaahay ka sokow, waa iyo idinka, Isimada sharafta badan ah.

HadabaSidaa darteed, si looga soo kabto dib-u-dhacaas na gaaray, loogana miro dhaliyo ujeedadii iyo hadafkii loo yagleelay Puntland 20 sano ka hor 1998dii, hase yeeshee lagu guul daraystay sababo faro badan awgood oo ka bilaabma kuna dhammaada tayo xumida golaha Wakiilada Puntland ee aad idinku soo xusheen kuna aaminteen masiirka iyo matelaadda shacabkooda, nasiib darrose noqday kuwo gudan waayey waajibaadkoodii dastuuriga ahaa.

Isimada sharafta badanow, maanta badbaadiya, uguna hiiliya Puntland iyo Shacabkeeda inaad u soo xushaan Xildhibaano talada dalka iyo dadka lagu aamino karo, waayo masuuliyad gaar ah baa idin ka saaran, sida Xadiisku timaamayo “ KULUKUM RAACI, WA KULLU RAACI MAS’UUL CAN RACIYATIHi
Waxaan si mug leh idiin ka codsanaynaa, anigoo ku hadlaya magacayga iyo inta u damqanaysa Puntland ee horumarkeeda jecel, in:TALO SOO JEEDINTA SIFAHA XULISTA XILDHABAANADA:

Xildhibaanada la soo xuli doona, oo dooran doonaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sanadka doorashada ku mudeysan in la qabto 8da Janaury 2019 -2024, haddii Alle idmo, waxaan rajaynaynaa in aad ku soo xushaan sifooyinka soo socda iyo intii lagu dari karo oo wanaag ah, si loo helo Gole Shacab oo daacad u ah dalka iyo dadkaba.idinka iyo shacabkiinaba idin meteli kara.

1. In 66da Xildhibaan ee hadda jira dhammaantood la badelo, waayo way fashilmeen waxayna ku sifoobeen oo ku can baxeen Musuq-Maasuq iyo danahooda gaarka ah oo ay ka hormariyaan tan guud ee Umadda Puntland, sida dhacdadii bishii sideedaad, todobadeedii, sanadkii 2017 (August 7, 2017) oo taariikhda Puntland ugu astaysan maalintii MADOOBAYD, Karti, Aqoon, hufnaan iyo Tayo Wanaag.

2. In la soo xulo Aad soo xushaan Xildhibaano xilku dhibayo, aqoon iyo kartiba leh, daacad ugu adeegaya bulshada, difaaca kuna dhaqma dastuurka Puntland, dhaarta iyo kitaabka ay gacanta saareenna ka dhabaynaya, dalka iyo dadkanba u shaqaynaya ee aan ka shaqaysanayn.

3.u soo shaqo tagin.
4. Xildhibaanada mudada faraha badan soo fadhiyey la badelo oo fursadda la siiyo kuwa hanan kara oo ay haybta wadaagaan.

5. In aad ku war-galisaan Nabadoonada Jifida, inay la soo shir tagaan muwaadin gudan kara Xilka, daacadnimona ugu adeega Shacabka, danttiisa gaarka ahna ka hor mariya tan dalka iyo dadka, isla markaana aan la iibsan Karin oo aan ahayn dhuuni raac/Dab-ma- noolyahay.
6. In Xulista Xilhibaanadu ay ku koobnaato Isimada iyo Nabadonada Jifida kaliya, gacan saddexaadna ayan meesha soo galin, sida Gudiyo iyo wax la mid ah , iwm oo laga urin karo musuq-maasuq.iyo qof jeclaysi.
FIIRO GAAR AH:

Waan ogsoonahay in waqtiga soo xulidda Xildhibanadu ayan wali dhawayn, waxaanse uga hordhacay waxay tahay, waxaan dareensanahay in shakhsiyaad dillaaliin ah (Brokers) oo u adeegaya, kuna faruur xiran Shakhsiyaad danaynaya inay u tartamaan Xilka Madaxweyne, January 2019 oo dalka iyo dibadiisaba ku sugan, ay durba bilabeen Olole kulamo iyo xodxodasho sidii ay jifida xiligan iska leh Xubinta uga soo dhex saari lahayeen Xildhibaan ay danahooda ku fushadan oo hadhow u codeeya Murashaxaii ay dillaaliintu wataan, si ay mustaqbalka ay uga fushadaan danahooda gaarka ah. Ololahaan iyo xusulduubkan musuqmaasuqa ku salaysan waxaa si gaar ah looga dareemayaa Garowe.

Wa billahi Tawfiiq.
@Abdirizak M. Dirir (Ducaysane)
Garowe, Puntland


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.