(SAWIRRO)Ciidanka PSF Puntland Oo Buuraha Cal Madow Ku Dilay 15 Ka Tirsan Ururka Alshabaab

Ciidanka PSF Puntland oo howlgalo ka sameeyey buuraha calmadow ee Gobalka Sanaag ayaa sheegay inay dileen 15 ka tirsan Maleeshiyaadka ururka Alshabaab ee halkaas ku dhuumaalaysanayey.

War qoraal ah oo PSF Puntland ay soo dhigtay barta ay ku leeyihiin Facebook ayey ku sheegeen howlgalo maantay ay ka sameeyeen Buuraleyda degaanka Madarshoon ee Buuraha Cal Madow inay ku dileen 15 ka tirsan ururka Alshabaab.

Ciidanka PSF Puntland ayaa sidookale sheegay in howlgalkaan ay dhaawac ugu gaysteen tiro kale oo ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab islamarkaana ay ka sifeeyeen degaanada Madarshoon, Karin Xagarood iyo #Diindigle ee Buuraha Cal Madow.

Ciidanka PSF Puntland oo howlgalo ka wada buuralayda Calmadow ayaa sheegay inay sii wadi dooanan howlgalada ay ka deegaanadaas kaga saarayaan Alshabaab.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.