Top Dhageyso: Wasiirka Haweenka Khaatuma Oo Somaliland Ku Eedeeysay Qaraxii Buuhoodle (Wareysi)

 

Wasiirka haweenka iyo arrimaha bulshada dowlad goboleedka Khaatuma Sahra Cali Xasan oo ku magac dheer(Sahra Khaatuma) ayaa ka tacsiyadeeysay geeridii ku timid wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Khaatuma Axmed Doolaal.

Waxay sheegtay in ay si cad u yaqiinsan yihiin in qaraxaasi laga soo maleegay Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargaysa.

Wasiir Sahra Cali ayaa tilmaamtay in Somaliland aynaan waxba ka quseyn magaalada Buuhoodle, islamarkaana Buuhoodle ay tahay magaalo ku abtirsata Dowladda Khaatuma.

“Baadhitaan baa socda, waxaa sidaan kuu sheegay 11 qof baa la xidhxidhay wax degaanka u dhashay iyo wax aan u dhalanba, in laga hordhacana maahan, waa la baadhayaa wixii ay ku cadaatana tallaabo cad baa laga qaadayaa waxaa weeye. qaraxa waxaa laga soo maleegay Burco iyo Hargaysa ninka Burco buu ka yimi” ayay tiri Wasiirka haweenka Khaatuma.

Dhanka kale, wasiirka haweenka iyo arrimaha bulshada maamul goboleedka Khaatuma Sahra Cali Xasan (Sahra Khaatuma) ayaa sheegtay in baadhitaanka socda laga war sugo oo aan laga hordhicin.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga:

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.