DHAGEYSO: Danjire Caalim Oo Sharraxaad Ka Bixiyay Safarka Asmara Iyo Saameynta Ka Imaan Karta (Wareysi Xasaasiya)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqasho qaadanaysa seddex cisho ku jooga magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, taasoo si weyn loo hadal hayo.

Danjire Maxamed Maxamuud Nuur oo ku magac dheer Caalim ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Goobjoog oo ah Idaacad maxalliya oo ka howlgasha magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay siyaasad ahaan safarkani iyo saameyntiisa.

Wuxuu sheegay Danjire Caalim in marka la eego siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya safarka Asmara uu u horseedayo buuq labaad oo hareeya maadaama uu horay u jiray midkii Khaliijka.

Maxamed Caalim ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha diblumaasiyadda ee kulankani, iyo dowladda Jabuuti isagoo tilmaamay in safarka uu horseedi karo in khilaaf uu ka dhex dhasho dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti, taasoo uu sabab kaga dhigayo xurgufta colaadeed ee u dhaxeysa Jabuuti iyo Eretariya.

Hoos ka dhagayso wareysiga uu qaadayo Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed:


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.