DEG DEG +Akhriso:Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Jiidaha Dagaalka Sool Iyo Dhaawacyo Ka Dhashay Duqaymo Ka Dhacay

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay jiidaha dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo sarkaal ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen madaafiic ay is waydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

Ilaa saaka waxaa ka socda deegaankaasi rasaas goos goos ah iyadoona ciidanka Soomaaliland ay xabsiga dhigeen dad shacab ah oo ay rumaysan yihiin inay ku soo jaajuuseen ciidanka Puntland oo madaafiic la beegsaday.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo shalay la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa ku guul daraystay inuu ku qanciyo in xal nabadeed lagu xaliyo  colaada deegaanka ka taagan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay nabad suurta gal ahayn ilaa maamulka soo duulay ee somaliland ay ka baxayaan dhulka Puntland.

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.