(DHAGEYSO)-Maxbuus Kasoo Hadlay Xabsiga Hargaysa Oo Kawaramay Dhibaatooyin Xabsiga Loogu Gaysto

Dhiirane Updates ayaa soo gudbinaya wareysi uu kula yeeshay telefonka askari ka tirsan 14 maxaabiis ah oo ay Somaliland uga qabatey Puntland dagaaladdii ku dhexmarey deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ka dib xiriir uu lasoo sameeyay mid ka mid ah maxaabiistaasi Warbaahinta PUNTLAND POST,Dalmar Media iyo Dhiirane Updates.

Maxbuuskaan oo diiday magaciisa warbaahinta in laga sheego sababo kala duwan awgood wuxuu sheegay jirdil,hanjabaad iyo dhaqamo kale oo joogto ah in loogu geysto xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, taas oo uu ku sifeeyay inay tahay xaalad ka baxsan bini,aadamtinimada iyo sharciga caalamiga ee maxaabiista.

Hay,addaha xuquuqul iinsaanka iyo kuwa qaabilsan shuruucda maxaabiista ayuu u direy fariin uu uga codsanayo inay u kuurgalaan tacadi uu sheegay maamulka Somaliland inuu geysto maxaabiis kasoo jeeda deegaanada Puntland gaar ahaan 12 askari oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa oo ah xarunta maamulka Somaliland.

Dhageyso wareysi dhexmarey Abshir Dhiirrane & Maxbuuska kasoo hadlaya xabsiga Hargeysa.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.