DEG DEG+Daawo:Madaxweynaha Gaas Oo QM U Sheegay Mowqifka Puntland Ee Dagaalka Tukaraq”Nabad Nagama Dhaxayso Ilaa…

Wakiilka Xoghaya guud ee QM Maykal Keating ayaa kulan kula qaatay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen asaga iyo Danjire Michael Keating xaalada Tukaraq waxaana uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu Maamulka Soomaaliland kusoo duulay,  isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland katirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda.

Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee Gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cabdsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata Gobolka Mudug, sidoo kale Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay arinta gobolka Sool ka telagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.