DHAGAYSO:Maxaabiis Puntland u xidhnayd oo Maamulka Hirshabelle ku wareejiyay maamulka Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa waxay ku wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan dhalinyaro muddo ku dhow sanad ku xirnaa magaalada Boosaaso kadib markii lagu eedeeyay in ay caawiyeen ururka Alshabaab.

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Caruush Diirow ayaa sheegay in Puntland uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ee ay u aqbaleen dalabkooda ah in loo soo daayo maxaabiistan oo aan dambi lahayn, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xor isla markaasna uusan jirin xabsi kale oo u dhiman.

HALKAN KA DHAGAYSO CODKA

Guddoomiyaha Hiiraan C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa isna dhankiisa u mahad celiyey Puntland iyo Hirshabelle, isaga oo sheegay in tani ay tahay bog cusub oo u furmay Labada maamul.

Maxaabiistan ayaa sanadkii 2017 lagu xiray Puntland, kadib gaari ay wadeen laga helay kartoomo ay ku jiraan walxaha qarxa iyadoo maamulkaasina ku xukumay xukun xabsi daa’in ah.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.