DEG DEG+DHAGAYSO:Garoowe oo waraaqo digniin ah lagu daadiyey & Shacabka oo wadnaha farta ku haya

Xilli qaybo kamid ah magaalada Garoowe ee caasimada Puntland lagu daadiyey waraaqo digniino ah oo ku wajahan dhanka shacabka ayaa waxaa arintaasi ka hadlay qaar kamid ah dad weynaha ku dhaqan magaalada Garoowe oo iyagu hadal haya diiwaan galin la sheegay in ay wadaan shakhsiyaad dibedda ka yimid oo faraha iyo in dhaha dadka ka qaadaya, kuwaas oo samaynaya diiwaan gelin.

Qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Garowe ayaa lagu daad shay warqado shacabka looga digayo in ay ka hor tagaan dadka la sheegay in ay wadaan diiwaan gelinta kaadhadhka aqoonsiga, waxaana qaar kamid ah dad weynahaasi oo isugu jira Odayaal iyo dhalinyaro oo booqday Radio Garowe ay sheegeen in qorshaha faraha iyo in dhaha la qaadayo ay yahiin qorshe ka dhah Soomaalida kaas oo ah in aysan gali karin wadamada ay kamid yihiin Talyaaniga , Jarmalka iyo kuwo kale.

Halkaan Ka Dhegeyso Warbixin.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.