(Dhegeyso)-Amaanka Magaalada Garoowe Oo Laga Dayriyey Iyo Masuuliyiin Ku Baaqay In Wax Laga Qabto.

Xili ay sii xoogaysanayaan cabashooyinka ay ka muujiyaan shacab weynaha ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kooxo dhalinyaro ah oo dhibaato xoogan ku haya amniga magaalada ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay Qaasim Maxamed Cabdi xoggayahiii hore ee dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Mr. Qaasim ayaa sheegay in magaalada Garoowe ay kamid ahayd magaalooyinka ugu amniga badan deegaanada Soomaalida balse haatan uu amaankeedii faraha ka baxay kadib markii ay ka dhex dilaaceen gudaha magaalada Garoowe kooxo Qowlaysato ah oo dhibaato xoogan ku haya shacabka, isagoona sheegay in marar badan ay dhaceen falal noocan oo kale ah xili uu hayey xilka xoggayahiii hore ee dowladda hoose ee degmada Garoowe hase yeeshee ay xal ka gaadheen arimahaasi.

Ugu dambeyn ayuu baaq u diray xogghaye Qaasim in waalidiinta iyo qaybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Garoowe ay ka qayb qaataan sugida iyo xaqiijinta amaanka isla markaasna xooga la saaro qaab walba oo uu ku hagaagi karo amaanku.

Halkaan Hoose Ka Dhegeyso Codka.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.