WARARKII UGU DAMBEEYEY-Labo Kamid ah Saldhigyada Ciidanka Somaliland oo Xalay La Wareeray iyo Gaadiid La Gubey.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro qorshaysnaa oo rag hubaysani xalay saqdii dhexe ku qaadeen labo kamid ah saldhigyada ciidanka maamulka Soomaaliland ay kuleeyihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu qaaday mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay lahayd Somaliland, waxaana la gubay baabuurkaas oo uu saarnaa qori dagaal, iyadoona wararku intaasi ku darayaan inay ku dhinteen 3 askari.

Docda kalena, weerarka labaad ayaa ka dhacay xero ay ciidanka Soomaaliland ku lahaayeen duleedka magaalada kaasi oo loo adeegsaday buusakayaal iyo qoryaha fudud mana cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Shacabka magaalada Laascaano ayaa si weyn uga soo hor jeeda maamulka Somaliland oo dhibaato iyo caburin joogto ah ku hayah bulshada ku nool Gobalka Sool,waa weerarkii labaad oo lagu qaado saldhigyo maamulka Somaliland ku leeyahay Magaalada Laascaano.

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.