Faah Faahin : Qaraxyadii wax yar ka Hor ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan.
Uuro iyo qiic ayaa is qabsaday cirka oo laga arkayay meelo badan oo magaalada ka mid ah, waxaana la maqlayay rasaas culus ka hor inta aanu qaraxa dhicin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabada oo ku dhow Koontarool ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Halka kuwo kala ay sheegayay afaafka hore ee madaxtooyada Vila somalia .
Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax ismiidaamin iyo weerar toos ah lagu qaaday xarunta Otto Otto ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Qaraxan hada dhacay ayaa ku soo aaday, iyadoo saaka ay waddooyinka qaar ay xirnaayeen, xilli uu dhoofayay Madaxweyne Farmaajo.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.