AKHRISO-Wararkii Ugu Danbeeyey EeTukaraq Iyo Dhawaqa Hubka Culus Oo Laga Maqlay.

Wararkii ugu u danbeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo Somaliland ayaa dagan,waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaayo ciidan.

Ciidanka Puntland ayaa ku jira diyaar garowgii ugu danbeeyey ee ku aadan xoraynta Gobalka Sool,sidookale Ciidanka Somaliland ayaa xoojiyey difaacooda iyagoo ka cabsi qab guluf colaadeed oo uga soo wajahan dhanka Puntland.

Dadka sugun Tukaraq oo la hadlay Puntlandonline.net ayaa sheegay in marar qaar la maqlayo dhawaqa hubka culus oo labada ciidan ay is waydaarsanayaan iyagoo intaa ku daray inay ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhex bilowdo labada ciida.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go,antahay xoraynta Gobalka Sool iyo guud ahaan deeganada gacanteeda ka maqan ee dastuuriga ah halka maamulka Somalilandna ay sheegeen inay soo xirayaan xuduudkooda.

Waxaa guul daraystay baaqyo iyo dadaalo ay wadeen dowladda Federalka Soomaaliya,IGAD iyo Beesha caalamka oo lagu doonayey in xiisada tukaraq lagu dhameeyo wadahadal iyadoo puntland ay u sheegtay in lagu soo duulay deegaanadeeda aysan ku qanci doonin in maamula Hargaysa uu ka boxo guud ahaan gobalka Sool.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.