Tariikhda Cusub ee Geeska Africa : Madaxweynaha Eritrea oo Markiisa Boqanaya Ethiopia waase Goorma

Madaxweynaha Eritrea oo Itoobiya booqanaya
Dawladda Itobiya ayaa shaacisay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki uu bari booqasho
ku tagayo magaalada Addis Ababa.
Booqashadan rasmiga ah oo saddex maalmood ah ayuu uga jawaabayaa martiqaad uu ka helay ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sida uu Twitterka ku shaaciyay agaasimaha xasiifka Ra’iisulwasaaraha Fitsum Arega.
Booqashadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta calaaqaadka labada dal.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya booqasho la yaableh ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Booqashadaas ka dibna waxay labada dal shaaciyeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano dhex taalay labada dal.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.