DEG DEG-Ku Dhowaad 40 Ruux Oo Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen Deegaan Ka Tirsan G/Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xanan-buure oo ka tirsan Gobolka Galgaduud Dhanka Waqooyina ka xigta Caasimada Galmudug ee Dhusamareb ayaa waxa ay sheegayaan in Halkaasi ay ku Sumoobeen in ka badan 35 Qofood ku waasoo isugu jira Rag, Haween iyo Carruur.

Dadka ayaa waxa ay ku sumoobeen Caano ay Cabeen xilli ay ku sugnaayeen Goob uu ka jiray alle Bari ama duco,sida ay sheegeen maamulka deegaanka Xanan-buure.

Gudoomiyaha Xanan-buure Cali Xaashi Faarax ayaa waxa u sheegay in dadka qaarkood xaaladooda caafimaad ay aad u liito,isla markaana ay u baahan yihiin Gurmad Caafimaad oo deg deg ah.

Dhinaca kale deegaanka Xanan-buure ayaa waxaa gaarey Dhaqaatiir ka baxday degmada dhuusamareeb si ay gurmad Caafimaad ugu fidiyaan dadkaas.

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.