DEG DEG+DAAWO:Nabadoonada Puntland Oo Ku Dhawaaqay Warkii Ugu Cuslaa+Xoraynta Sool Oo Laysku Raacay

Xilli ay sii xoogaysanayan xiisadaha u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool isla markaasna magaalada Garoowe ay soo gaadheen wafti ka socda dhinaca Somaliland oo ka turjumaya wada hadalo ku aadan xiisadaha gobolka Sool ayaa waxaa arinatasi ka hadlay Afhayeenka Nabadoonada gobolka Nugaal Cabdullaahi Maxamed Jbriil.

Nabadoonka ayaa sheegay in wax wada hadal ah aanan laga gali karin gobolka Sool isla markaasna Beelaha Habar Jeclo iyo Habar Awal aysan wada hadal la gali karin Puntland halka beelaha kale uu sheegay in wada hadal nabadeed ay wada qaadan karaan maadaama aysan qayb ka ahayn dagaalka Tukaraq.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland aysan wax wada hadal ah la gali doonin Somaliland inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin gobolka Sool, ciidamada Puntland-na ay diyaar u yihiin soo xidhista xuduudaha Puntland.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.