DEG DEG+DAAWO SAWIRO:Ciidamadii ugu badnaa ee Beesha Cilmi Naalaye oo gaadhay Jiidaha hore ee Dagaalka & Madaxda Puntland oo ku dhawaaqday….

Iyadoo lagu duulayo hawlgalka xoreynta gobolka Sool iyo sidii guud ahaanba looga saari lahaa hadhaadiga Malayshiyaadka Jeegaanta ee ku sugan qaybo kamid ah gobolka Sool ayaa waxaa maanta lagu soo dhoweeyey degmada Buura Wadal ee gobolka Sool ciidamadii ugu badnaa ee Beesha Cilmi Naalaye oo kamid ah Beelaha Dhulbahante kuwaas oo kasoo kicitimay deegaano kamid ah gobolka Sool.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa kusoo dhooweeyey deegaanka Buura Wadal ee gobolka Sool madax ka tirsan Puntland, waxgarad, aqoon yahano iyo sidoo kale maamulka gobolka Sool.

Munaasibad soo dhoweyn ah oo loo qabtay ciidamadani Beesha Cilmi Naalaye oo qayb ka noqon doona xoreynta gobolka Sool ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey masuuliyiinta gudida difaaca, saraakiil ciidan iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka Sool Abukar C/raxmaan Gelle, waxaana ugu horeynbta goobtaasi ka hadlay General Mubarig Maxamed Warsame oo isagu ah taliyaha ciidamadani ka socday Beesha Cilmi Naalaye.

Sidoo kale waxaa iyaguna goobtaasi ka hadlay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, gudoomiyaha Abukar C/raxmaan Gelle iyo sidoo kale qaar kamid ah waxgaradkii goobtaasi ku sugnaa oo iyagu sheegay in ciidamada Cilmi Naalaye ay soo dhoweynayaan isla markaasna ay heli doonaan xuquuq kasta oo ay ku yeelan doonaan dowladda Puntland.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.