DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Tukaraq, Dhaqaqaaqyo Laga Dareemayo iyo Saraakiil Ka Hadlay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ay samaynayaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Ciidamo aad u hubaysan ayaa saacadihii ugu dambeeyey ee lagu arkayaa furimaha dagaalka, waxaana halkaas laga dareemayaa cabsi dagaal iyadoona mararka qaar laga maqlayo dhawaqa hubka culus.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay ka cabsi qabaan dagaal halkaasi markale ku dhexmara maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo ciidamo tiro badan soo dhoobay deegaamadaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.