Xog-Madaxweyne Gaas Oo Safar Ugu Baxaya Dalka Dibadiisa Iyo Dagaal Ku Wajahan Somalilad.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wa jahan wadanka Belgium-ka oo ay kaga qaybgeli doonaan shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaalida, daneeyayaasha Soomaaliya iyo midowga reer Yurub.

Shirkaan ayaa mudada uu socda waxa ay madaxda Soomaalidu ku soo bandhigi doonaan qorshe iyo siyaasad midaysan oo ku aadan dibu dhiska ciidamadii xooga dalka Soomaaliya iyo hanashada ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Shirarkii amniga qaranka ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa madaxda Soomaalidu waxa ay isku afgarteen qorshaha midaynta iyo dhismaha ciidanka xooga qaranka Soomaaliyeed iyo sidii ay shirkaasi cod midaysan ula tegi lahaayeen.

Midowga Yurub oo binaya dhaqaalaha shirkaasi iyo kan dhismaha ciidamada ayaa diidey qorshe xukuumadda Soomaaliya ku doonaysay inay shirkaasi ku matasho guud ahaan Soomaaliya, waxaana lagu casumey dhammaan dhinacyada Soomaalida si ay u ilaaliso hufnaanta iyo wada socodka.

Waxaa midowga Yurub uu adduun lacageed oo dhan 280 Million oo dollar ku bixinayaa ammaanka iyo dhismaha ciidanka Soomaaliya, iyadoona lafilayo in mustaqbalka dhowa ciidanka Soomaalidu ay hantaan ammaanka guud ee Soomaaliya.

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.