DEG DEG+DAAWO:Dagaalkii Tukaraq oo war cusub kasoo kordhay & Maxaabiistii lagu qabtay oo la sheegay in Somaliland ay..

Kadib markii uu kulan kula qaatay magaalada Hargeysa madaxweynaha maamulka Somaliland xubno ka socda Laan qayrta CAS amaba Bisha Cas ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in uu soo dhoweynayo Mr. Biixi baaqii dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ahaa in xabad joojin la kala dhex dhigo ciidamada Puntland iyo Somaliland isla markaasna wada hadal lagu dhameeyo xiisadaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Hogaamiye Muuse Biixi oo isagu dhankiisa ka duulayey xal u raadinta xaaladaha haatan soo food saaray maamulkiisa oo Kow ay ka tahay xiisada deegaanka Tukaraq ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka maamul ahaan nabad iyo daganaansho ka is qaada mandqada goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoona xusay in uu ka xigo wada hadal xaaladda gobalka Sool oo ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland.

Mr. Biixi ayaa dhanka kale sheegay in ay taasi dhinacooda diyaar u yihiin laakiin dhigiisa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayuu ku eedeeyey in uusan diyaar u ahayn wada hadal nabadeed oo ku aadan gobolka Sool, waxaana saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somaliland oo kulankaasi ka qayb galay ay u sheegeen Puntlandtimes.com in uu Muuse Biixi balan-qaaday in dhamaan maxaabiista dagaalka Tukaraq ee hada ku jirta gacanta maamulkiisa ay u ogolaanayaan in ay eheladooda arkaan oo ay la kulmaan xili hore loogu diiday in dadkaasi ay la kulmaan eheladooda.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.