DEG DEG: Madaafiic culus oo ay is dhaafsadeen ciidamada PL iyo SL khasaare ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya aan helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaankaasi Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalkani ayaa u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana la isku adeegsanayaa dagaalkani madaafiicda goobta dagaalka.

Warar ayaa sheegaya in dagaalkaasi looga dilay ciidamada maamulka Somaliland saraakiil ciidan sida uu Puntlandonline.net u xaqiijiyey mid kamid ah saraakiisha ciidamada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool.

Khasaaraha uu sababay dagaalkani ayaa lagu sheegay in uu yahay Shan askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland iyo sarkaal ciidan oo kasoo jeeda magaalada Burco, waxaana dhanka Puntland khasaaraha kasoo gaadhay dagaalkaasi lagu sheegay labo askari dhaawacooda.

Waxaana magaalada Laascaanood hada la gaadhsiiyey saldhiga u dhaw ee GOOJA-CADE, waxaana muuqata marxalad dagaal.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.