MUUQAAL-Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Jiidaha Dagaalka Iyo Hubka Culus Oo Laga Maqlay

Xaalada Cabsi dagaal ayaa saakay laga soo sheegayaa deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ka dib markii ay ciidamada labada dhinac aad iskugu dhawaadeen una muuqda kuwa isku diyaariyey dagaal toos ah, ilaa haddana rasaas culus ayaa laga maqlay aroornimadii hore.

Wariye kusugan deegaanada Gambara iyo God-Qaboobe oo ah talisyada ugu waa weyn ee labada dhinac ayaa sheegay in uu arkayay diyaar garoow dagaal oo ay wadaan dhinacyadu, waxaana uu sheegay in madaafiicdii dhacday ay ahaayeen kuwa halistooda leh.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda oo ay is dhaafsadeen labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dhinaca Somaliland, waxaana la geeyey deegaanka Gooja-Cade dhaawaca labo askari oo katirsanaa ciidamada Somaliland oo kusugnaa meel uu dab ku qabsaday baabuur kuwa gaashaaman ee maamulkas kamid ah.

Goobjoogayaal kusugan agagaarka Tukaraq ayaa sheegay in xaaladdu ay aad isku bedeshay, xaaladduna ay faraha kasii baxayso, waxaana hadda cabsi weyn laga qabaa dagaal toos ah.

Puntland waxay ku hanjabtay dagaal toos ah, oo ay dib ugu qabsanayso deegaanada gobalka Sool, wixii ka dambeeyey markii ay ciidamada Somaliland soo galeen gudaha Tukaraq.

Somaliland waxay sheegtay in ay leedahay Sool oo uu dhulkeeda ka mid yahay oo aysan aqbali doonin in faragalin uga timaado dhinaca Puntland.

Beesha Caalamku wey ka welwelsan tahay xaaladda hadda taagan, waxayna sheegtay in xaalada hadda taagan uu yahay mid aan saameyn waanaagsan keeni doonin.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.