DAAWO-Madaxdii Khaatumo oo Ku Biiray Dagaalka Sool iyo Siyaasiyiin Farriin u Diray Ciidanka Puntland

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Puntland dagaalka lagu xoraynayo gobolka Sool kula biirayey siyaasiyiintii ugu miisaanka cuslaa maamulkii Khaatumo ee uu burburiyey Cali Khaliif Gallaydh oo ku biiray Soomaaliland.

Mid kamid ah siyaasiyiinta Khaatumo oo Puntland kula biiray dagaalka gobolka Sool ayaa farriin culus iyo hanbalyo u diray ciidanka Puntland, wuxuuna shacabka gobolka Sool ugu baaqay inay kaalintooda dagaalka ka qaataan.

RIIX HALKAAN SI AD U DAAWATO VIDEO

Dhanka kalena, madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Corneal Indhasheel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garabtaagan yihiin Puntland ayna kula biireen dagaalka kadhanka ah Soomaaliland.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.