Dhageyso: Wasiir Caynaanshe Oo Si Adag Ula Hadlay Kooxda Biixi+Xorreynta SSC

Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in dagaalka degaanka Tukarraq ee gobolka Sool uu salka ku hayo gacan ku heynta ceel shidaal oo gobolkaasi ku yaalla.

Hadalkaan waxaa shaaciyay wasiirka jaaliyadaha iyo dibadda Khaatuma oo wareysi ku saabsan xaaladda colaadeed ee Tukarraq ka aloosan.

Wuxuu sheegay wasiir Caynaanshe Cabdiraxmaan in ay fashilmeen wada hadallo beesha caalamka iyo wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya ay ka dhex wadeen Puntland iyo Somaliland oo ku aaddan joojinta dagaalka.

Wuxuu xaqiijiyay in ay soconayaan wada hadal dowladda Itoobiya ay garwadeenka ka tahay oo kal hore xogtiisa la helayo.

Wasiir Caynaanshe ayaa daboolka ka qaaday dagaalka uu salka ku hayo ceel shidaal oo ku yaalla halka lagu dagaallamayo meel aan wax badan u jirin ee Tukarraq kaasoo lagu magacaabo Holhol oo isla degaanka magaciisa ah.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO:


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.