DEG DEG:Madaxweynaha Somaliland oo Garoowe kasoo dagaya & Soo dhoweyntiisa oo ka socota….

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya inuu Garoowe ku soo wajahan yahay siyaasi dhowaan Maraykanka kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Somaliland.

Siyaasigaan oo Maraykanka kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha xaqa ah ee Somaliland kadib markii caddaalad darro uu layimid Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay madaxweynaha Somaliland.

Waxaa la filayaa inuu Garoowe kulamo kula qaadan doono masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulsha weynta reer Puntland, xilli ay xiisad dagaal ka taagan tahay gobolka Sool.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.