(Dhegeyso)Dowladda Puntland Oo Hanjabaadii Ugu Cuslayda U Dirtay Somaliland,Kuna Dhawaaqday Dagaal

Wasiirka Warfaafinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo goor dhow saxaafada kula hadlay Garoowe ayaa sheegay inaanay wax wadahadal ah kala deegaanadeeda kala gali doonin Maamulka Soomaaliland.

Cabdi Xirsi ayaa sheegay in maamulka Hargaysa uu ku soo duulay dhulka Puntland islamarkaana aysan suurto gal ahayn inay la galaan wax wadahadal ah inta ay ku sugan yihiin Ciida Puntland.

Wasiir Qarjab oo ka hadlay dadaalada ay wado beesha caalamku ayaa sheegay inaysan ka hadli karin dhulka Puntland waxaana uu ugu baaqay Maamulka Soomaaliland inay sida ugu dhaqsiyaha Badan uga Baxaan Puntland.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.