Safaradii Garoowe Iyo Hargaysa Oo Halis Ugu Jira Inay Joogsadaan kadib markii labo nin oo reer Puntland ah lagu Afduubtay Caynaba

Cabsidii ugu xooganayd ayaa soo food saartay dadka shacabka ah ee isaga kala goosha deegaamada Puntland iyo Soomaaliland gaar ahaan dadka gaadiidka shacabka ku raaca inta u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.

Waxaa dadka rakaabka ah ay siweyn uga cabsi qabaan inay ku safraan wadadaasi kadib markii xay ciidamada Soomaaliland ay laba nin oo reer Puntland ah kala degeen gaadiid ay saarnaayeen oo ka soo baxay deegaamada Soomaaliland gaar ahaan magaalada Hargaysa.

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegaysa in labada nin ee gaadiidka dadweynaha loogala degey deegaanka Caynaba ay ahaayeen qurba joog reer Puntland ah oo ku sii jeedey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Mid kamid siyaasiyiinta reer Puntland ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliland ay bilaabeen tallaabooyin cabsi gelin ah si aysan dadka shacabka ah ugu socdaalin deegaamada Puntladn taasi oo sii xumaynaysa xaaladda deegaanka.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.