Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Jiida Tukaraq iyo Dhaqdhaqaayo Ka Socda

0
860

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanada gobalka Sool ee ay ku dagaalamayaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in xaaladihii ugu dambeeyey ay yihiin kuwa xambaarsan dhiilo colaadeed, isla markaasna cabsi weyn laga qabo dagaal rasmi ah oo bilowda saacadaha nagu soo beegan.

Wararka ayaa sheegaya in suxufiyiinta loo diiday inay galaan goobaha dagaalka iyo aagga ciidamadu ku sugan yihiin waxaana la arkayey ciidamada oo isku guuraya, iyadoo cabsi laga qabo dagaal toos ah oo ka bilowda goobahan.
Ciidamo katirsan kuwa maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qaar kamid ah malayshiya beeleedkii ciidanka Soomaaliland ee ku sugnaa fariisimada dagaalka ay xalay ka bexeen aaggaasi.

Bixitaanka maleeshiyadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay ogaadeen in ciidamo katirsanaa kuwa Difaaca ee Puntland ay garab dhaafeen, ayna ku jiraan labo ciidan dhexdooda, sidaas oo kalena hubka culus ayaa wali laga maqlayaa agaaga oo dhan.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here