(Dhegeyso)Cabsi Ka Jirta Xeebaha Puntland Iyo Shacabka Oo Digniin Loo Diray

Hay’adda Hadma ee maaraynta masiibooyinka Puntland iyo wasaaradda arimaha gudaha oo kaashanaya hay’ado caalami ah ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin roobab iyo duufaano iswata oo kusoo fool leh xeebaha Puntland.

Waxaa shacabka looga digay inay xoolaha iyo noloshooda kala baxaan dhulalka godan iyo dooxooyinka biyo mareenka ah, sidaasi waxaa maanta warbaahinta u sheegay agaasimaha hayada maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMA cabdullahi xaashi cayrow.

Wasaaradda ayaa shacabka u sheegaysa in xoolaha ay u raraan meelaha dusha ah oo gabaadka leh,waxaa kale oo ay shacabka farayaan in aad loo feejignaado xeeb iyo dhulba,miya iyo magaalaba.

Halkaan ka dhegeyso codka.

Tropical Storm Alert_17052018

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.