(Daawo)Madaxweyne Gaas Oo Ku Dhawaaqay Dagaal,Fariin Adagna Udiray Soomaaliland

0
132

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Dib Ugu Laabtay ayaa ka Hadlay Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in soomaaliland in kusoo duushay dhul aysan lahayn islamarkaana ay caadaysatay inay daadiso dhiiga Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas oo Fariin u diray Muuse Biixi ayaa sheegay isagoo u sheegay inuusan sii haysan doonin deegaanada uu ku qabsaday duulaanka Gardarada ah ee Gobalka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidanka difaaca Puntland oo guulo la taaban karo kasoo hooyey dagaalkii ay la galeen soomaaliland waxaana uu ka codsaday shacabka Puntland inay u diyaar garoobaan dagaal.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here