(Dhegeyso)Dowladda Puntland Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Lagu Xoraynayo Gobalka Sool

0
1188

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo kamid ah saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa ka warbixiyey qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Cumr Cabdulaahi Faraweyne waxaa uu cadeeyey in khasaare uu kasoo gaaray dagaalkii shalay balse muusan carabaabin inta uu le egyahay khasaaraha soo gaaray dhankooda.

Dhankale Cumar Faraweyne waxaa uu sheegay in qasaare ay gaarsiiyeen ciidanka Soomaaliland isagoo intaa raaciyey inay ka qabteen hub,gaadiid dagaal iyo baxaabiis.

Kornayl Cumar Cabdulaahi Faraweyne waxaa uu sheegay in Puntland ay sii wadi doonto dagaalka ilaa ay kasoo celinayso deegaanada ka maqan gacanteeda.

Marka laga reebo sheegashada gudoomiyaha ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya tirada rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii shalay iyo gaadiidka lagu kala qabsaday.

Xaalada Deeganadii shalay lagu dagaalamay ee deegaanka Tukaraq ayaa maantay dagan waxaana labada ciidan ay ku kalka sugan yihiin goobihii ay xalay ku kala hoydeen.

Labada dhinac ayaa xalay ilaa saakay waxaa ay ku jireen diyaar garow xoogleh iyadoo ay soo gaarayeen gurmadyo soo kala gaaraya.

Inkasta oo xaaladu dagan tahay maantay hadana waxaa deegaanka laga dareemayaa saan saan dagaal iyadoo xili kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo labada dhinac.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here