(Daawo)-Puntland 19 gaari ayaan qabsanay,9 sarkaalna waan dilnay

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo kamid ah saraakiisha ciidanka Puntland ee ku sugan tukaraq oo saxaafada kula hadlay jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay jab balaaran u gaysteen ciidanka Soomaaliland.

Cumar Cabdulaahi ayaa sheegay inay gacanta kaga dhigeen Soomaaliland 19 gaadiidka dagaalka ah ayna ka dileen 9 sarkaal oo kamid ah saraakiisha sarsare ee ciidanka Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in dagaalku sii wadadi doonaan ilaa Ciidanka Soomaaliland ay ka saarayaan dhulka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan Hoose ka daawo Muuqaalka.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.