Qaramada Midoobay oo sheegtay in Muslimiinta Rohingya aanay xilligan Myanmar ku laaban karin

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda ka taagan galbeedka Myanmar ay weli tahay mid ku habboon inay si nabad ah ugu laabtaan boqollaalka kun ee qof ee Muslimiinta Rohingya ah, kuwaas oo lagu qasbay inay u qaxaan waddanka dariska ah ee Bangladesh.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ursula Mueller, ayaa waxa ay hadlaysay kaddib safar ay ku tagtay gobolka Rakhine, halkaas oo ay ku soo aragtay tuulooyin la gubay oo uu milateriga Burma-na uu cagacagaf mariyay.

Iyadoo xilliga roobka uu soo dhaw yahay ayaa in ka badan todoba boqol oo kun oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya waxa ay weli ku xayiran yihiin xeryo ku yaal waddanka Bangladesh.

Labada dal ee Myanmar iyo Bangladesh ayaa waxa ay sanadkii la soo dhaafay isla meeldhigeen heshiis dadkaasi dib loogu celinayo hasayeeshee ilaa iyo haatan ma uu jiro hal qof oo dib loo celiyay.

Ms Mueller ayaa sheegtay in wax saameyn ah aanay yeelan dhaleecayntii baahsaneyd ee hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, uga imanaysay bulshada caalamka, ee aheyd inay ku guuldarreysatay inay cambaarayso dhibaatada dadka Rohingya lagula kacay.

 

 

Xigasho: BBC SOMALI


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.