Wasiiro Ku Biiray Ololaha Mooshinka Ka Yaal Jawaari iyo Xaalada Oo Cakiran

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya oo hadal kooban soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari uu yahay mid wali sharci ah oo aan burin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo xalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku soo laabtay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sabtidana uu jiro kulanka Baarlamaanka, oo looga hadlayo xiisada Beled Xaawo.

Wuxuu sheegay in 18-kii bishan March uu Guddoomiye Jawaari aqbalay Mooshinka inuu xalaal yahay, islamarkaana uu haatan ku doodayo in 10-kii cisho ay dhamaatay, balse uu iloobay in qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka uu dhigay in 10-ka cisho ay ka bilaabaneyso maalinta la horgeeyo Golaha.

“Maarso 18-keedii Jawaari wuxuu aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay, Hadda wuxuu ku doodaa in 10-kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay. Laakin wuxuu illoobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4-aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha, maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31″ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xoosh.

Sidoo kale Xoosh ayaa dood sharciyeed ka keenay qodobka ay soo qaateen Xildhibaanada sheegay inuu Mooshinka buray, kuwaasi oo taageersan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la horgeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintan” Ayuu yiri Wasiirka.

Maalinta berri ah ayaa lagu balansan yahay kulanka Xildhibaanada Baarlmaanka oo Ajendayaal iska soo horjeedo looga hadlayo, arrintan waxaa aad u hadal haya shacabka Soomaaliyeed, waxaana la sugayaa waxa Sabtida dhici kara.

puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.