Ra’iisal Wasare Khayre oo Kulan Laqaatay Keating

0
91

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Kulankaan ayaa looga hadlay Xaaladda Ammaan , Siyaasadda iyo Xaaladda Kacsan ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Mechael Keating ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’isalwasaare Kheyre uu kala hadlay xaaladda amaan,siyaasadeed,dhaqaale iyo Istiraatijiyadeed ee dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay isla garteen in lasii xoojiyo Wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adda kala duwan ee dowladda.
Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa horay loogu eedeeyay in uu Soomaaliya ka gudbiyo Warbixino aan sax aheyn sidda uu horay u sheegay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here