DEG DEG-Maxaa Caawa Ka Cusub Deegaanka Tukaraq iyo Fariisimada Ciidamada Jiidda Ku Sugan?

Wararka aan ka helayno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in laso gabagabeeyey diyaar garawga loogu jiro dagaalka magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool looga xoraynayo Soomaaliland.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa diyaar garowgii ugu danbeeyey la galiyo iyadoo xog hoose oo Puntlandonline.net uu helayo ay sheegayaan in Puntland dagaal kama danbaysa ah ku qaadi doonto deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidanka Soomaaliland.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa kulamo looga hadlayo dagaalka Puntland ay ku qaadayso Soomaaliland ayna hormuud u ahaayeen wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda gobolka Sool oo intiisa badan Soomaaliland gacanta ku hayso.

Waxaa xal laga gaaray khilaaf ka dhashay arintaan oo soo kala dhex galay Golaha Fulinta Puntland,Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne kuxigeenku iyadoona laysku raacay dagaalka Puntland ku xoraynayso guud ahaan Gobalada Sool iyo Cayn.

Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee barlamaanka dowladda Puntland Mudane Xuseen Yaasiin Xaaji, wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmed Cilmi Cismaan, Wasiir ku-xigeeno, xildhibaano, Isimada gobolka, waxgarad iyo saraakiil ayaa horboodaya abaabulka dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee madaxtooyada Puntland aan ka helayno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas iyo xukuumaddiisu ay hoosta ka xariiqeen dagaal lagu sugayo xuduudaha Puntland, laguna soo celinayo deegaamada gacanteeda ka maqan, kadib bilo beesha caalamku ay ka hortaagnayd dagaal dhaca.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.