Dowlada Soomaaliya oo Qaaday Talaabo ka dhan ah Imaaratka

0
339

Dowlada Faderalka Soomaaliaya ayaa  u yeertay Safiirka Imaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-cuthmaan si ay wax uga weydiso faragalinta ay imaratka carabtu ku hayso arimaha soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasarada arrimaha dibada soomaaliya Abduqadir Axmed Khayr ayaa si toos ah ugu yeeray safiirka imaaradka Carabta oo wax laga weydiiyay heshiiska ay la galeen maamulka somaliland ee saldhiga militeri iyo heshiiska dekada Ber Bera ee DP World.

Wax faahfahin ah lagama bixin wixii kaso baxay kulanka wasarada arrimaha dibada iyo safiirka imaradka.

Dowladda Somaliya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay faragalinta ay dalal ka dibadu ku hayaan soomaaliya kuwaas oo wax u dhimaya qaranimada soomaaliya iyo midowgeeda.

Dowlada Abu dubay ayaa sanadihii ugu danbeyay saameyn balaaran ku yeelatay arrimaha soomaaliya iyadoo heshiisyo ka lagashay maamul goboleedyo ka mid ah dowlada uu Farmajo Hogaamiyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here