Dhegeyso-Puntland oo soo bandhigtay Kiisaska Kufsi ee dhacay sadexdii bilood ee ugu horaysay Sanadkaan

0
144

Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland,Maxammed Xareed Faarax oo maantay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay tacaddiyada kufsi ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay afar gobol oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in sadexdii bilood ee sanadkaan ay puntland ka dhaceen 18 Kiis oo kufsi ah waxaana ay ka dhaceen kiisaskaan Gobalada Nugaal,Mudug,karkaar iyo Bari.

Xeer-ilaaliyaha ayaa eedayn kulul u jeediyay qaar kamid ah hay’adaha reer Galbeedka oo uu sheegay in ay kufsiyo been abuur ah ka sheegaan degaannada Puntland,isagoo digniin ku bixiyay in hay’addii lagu helo arrintaasi sharciga la horgeyn doono.

Dhanka kalena, xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu eedayn taas lamid ah u jeediyay qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka degaannada Puntland oo uu sheegay in ay daboolaan kufsiyada loo geysto gabdhaha,islamarkaana ay laaluush ka qaataan ehelada denbiilaha tacaddiga geystay,si ay lacag uga sameeyaan xaqa dulmanaha.

Halkaan ka dhegeyso codka.

Puntlandonline.net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here