DAAWO-Sharaab dhacay oo laga soo qabtay bakhaarada Garoowe iyo digniin loo diray Ganacsatada

Waaxda Faya-dhowrka dowlada Hoose ee degmada Garoowe ayaa maantay soo bandhigtay 20 kartoon oo sharaab dhacay ah kuwaas oo laga soo qabtay Bakhaaradda Ganacsiga ee Magaalada Garoowe.

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo goobta lagu soo bandhigay warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay sharaabkaan inuu qatar ku ahaa caafimaadka shacabka.

Duqa ayaa uga bakhaarada ganacsiga ee keena cuntada iyo raashinka dhacay in dowladda hoose ay talaabo ka qaadi doonto isagoo sidookalana ugu baaqay shacabka inay iska fiiriyaan dhaydka cunta ay gadanayaan.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.