Daawo-Arin la sugayey 30 sano oo laga hirgaliyey Magaalada Garoowe

Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa isbadal ku samaysay Shaqaalaha Canshuuraha ee dowlada hoose ee degmada Garoowe.

Shaqaalaha Canshuuraha Dowladda Hoose ayaa loo sameeyey dirays iyo   ID Card lagu aqoon si meesha looga saaro cabasho ay dad weynuhu ka muujiyeen shaqaalaha Canshuuraadka qaada.

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir iyo Xoghayaha Dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey ayaa sheegay in talaabadaan ay tahay markii ugu horaysay oo laga hirgaliyo dowladda hoose burburkii kadib.

Xoghayaha Dowladda Hoose Maxamed Cali Guray ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Canshuuraha inay dhowraan nidaamka loo sameeyey isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono hadii aysan isticmaalin dirayska iyo ID Cardka loo sameeyey.

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise ayaa ugu baaqay shacabka bixiya canshuurta inaysan u dhiibin canshuurta cid aan wadan aqoonsiga dowladda Hoose.

Puntlandonline.net


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.