Xiisad u dhaxaysa dadka Deegaanka iyo Maamulka Soomaaliland oo ka taagan degmada Taleex iyo Cabsi laga qabo..

0
431

Degmada Taleex ee Gobalka Sool iyo Deegaano hoostaga ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamo hubaysan oo dadka deegaanka ah kuwaas oo ka soo horjeeda Maamulka Soomaaliland.

Malayshiyaadkaani oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin beelaha degan Taleex ayaa waxaa lasheegay inay isku diyaariyeen dagaal kadhan ah Soomaaliland, inkastoo ay halkaasi ku sugan yihiin malayshiyaad ka amar qaata maamulka Soomaaliland.

Ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa muddo waxa ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana madaxda labada dhinac ay hawada isu mariyaan hanjabaad joogto ah oo ku aadan gacan kuhaynta Tukaraq iyo guud ahaan gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here