Shir Caalami ah oo ka furmay Muqdisho iyo Raysalwasaare Khayre oo ka qaybgalay

Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay shir dib u heshiisiin ah oo ay soo qaban qabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kaas oo looga hadlayo xal u helida Beelaha mudada dheer ku wada dagaalamayay degmada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Shirka ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowladda sida Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriy.

Sidoo kale waxaa Goobta shirka ku sugan Waxgarad ka kala socda Beelaha halkaasi ku dagaalmayay sanadihii u dambeeyey,iyaga oo ka arrinsanaya in heshiis buuxa laga gaaro dagaalkaas mudada dhowrka Sano ah dhexmarayay.

Shirkan ayaa markii la soo gaba gabeeyo,waxaa laga soo saari doonaa qodobo ay labada dhinac ah ku heshiiyeen.

Sawirro.

Puntlandonline.net

 


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.