Madaxweyne Farmaajo oo hakiyey dhismaha darbiga Balad Xaawo iyo shir ku saabsan oo barri furmaya

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen shir heer sare ah oo ku saabsan xal u helista muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal, lana qaban doono maalinimada barri ee talaadada ah, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu arrinkan guddi u xil saaray.

“Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Guddoomiye Maxamed ayaa ku bogaadiyey bulshada Balad Xaawo sida ay u garab istaageen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista khilaafka ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ku ah gudaha magaalada oo maalmihii u danbeysay ay ka socdeen kacdoon shacab oo lagaga soo horjeeday darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.