Madax Weyne Farmajo oo Wada Ababul Dagaaal oo kan ah Al-Shabab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku amray taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya In ay dagaal ku qaadan Meel kasta oo laguso sheego Al shabab.

Madaxweynaha ayaa kulan degdeg ah la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan loo dulqaadan karin qaraxyada iyo dhibaatada Al-shabaa ku hayan dadka shacabka ah.

Waxa uu madaxweynaha amray sidoo kale, in la xoojiyo duqeymaha dhanka cirka ah eel ala eeganayo dagaalyahannada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan xoogga dalka ayaa inoo sheegay in maalmaha soo aadan la qaadi doono weeraro xooggan oo ka dhan ah Al-shabaab, balse meelaha laga bilaabayo lama oga.

Al-shabaab ayaa xoojisay qaraxyada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho, iyadoo Todbaad gudahiisa ay magaalada ka geysteen Labo qarax oo xoogan.


Xafiiska Shabakada Puntlandonline.net
Garoowe Puntland
puntlandonline.net@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.