Kaalin Intee ayay Dowlada Jubbaland ka Qadaneysa Darbiga Balad-xaawo iyado La dhan ah Kenya

0
184

Dowladda wadanka Kenaya ayaa waxa ay sii wadda dhismaha derbiga kala qaybinaya magaalada Beledxaawo ee galbeedka gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo ay shacabka maagaaladaasi sii wadaan kacdoon ka dhan ah dowladda Kenya iyo ciidankeeda.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Beledxaawo ayaa shaaca ka qaaday in magaalada shacabkeedu aysan u babac dhigi karin gaadiidka dagaalka ee Kenya, maamulka Jubbalandna uu la garabyahay Kenya kuna taageersan yahay dhismaha derbigaasi.

Nabadoon Idiris Aadan, oo kamid ah waxgaradka magaalada Beledxaawo ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda Daljir, waxa uu ku sheegay in ciidamada Kenya iyo dadka shacabka ah ay dhibaato kala haysato haseyeeshee ay middaasi uga darantahay cadaadiska kaga imaanaya maamulka degmada ee Jubbaland.

Nabadoon Idiris ayaa sheegay in maamulka Jubbaland shiriryey qaybaha bulshada magaalada Beledxaawo uuna ku wargiyey in qofkii isku daya inuu hor istaago ama dhaqdhaqaaq sameeyo ciidanka Kenya xiri doonaan, kadib shir fashil ku soo dhammaaday oo ka dhacay Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here