Faahfaahin qaraxyo maantay ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
45

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay labo qarax kuwaasoo qaarkood ay sababeen dhimasho iyo dhawac dad u badan shacab.

Qarax ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday 4 Qof oo labo kamid ah ay tahay Askar ka tirsan ciidamada dawlada federalka Soomaaliya halka dhawacuna uu intaasi ka badanyahay.

Qarax labaad ayaa ka dhacay meel aan sidaasi oga fogayn  Warshada Biyaha Caafi oo ku taalla Wadada Warshada ee magaaladda Muqdisho waxaana dhamaan qaraxyadaasi ay ahayeen Miinooyin dhulka lagu Aasay.

Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen baraha ay ku leeyihiin intenet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxas ay ku dileen Taliyaha Ciidanka Nabadsugida deegaanka Tiida ee degmada Deeyniile,in kastoo warkaas Maamulka degmada deeyniile aysan weli ka hadlin.

Dhinaca kale qaraxa labaad ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah taas ku qaraxday Hareeraha Wadada laamiga ah ku dhow Warshada Biyaha Caafi oo ku taalla Wadada Warshada,iyada oo aysan jirin wax khasaaraha ah oo ka dhashay qaraxaas.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here