Dhegeyso-Raysalwasaare Khayre oo muqdisho kaga dhawaaqay hadal ka farxiyey shacabka Soomaaliyeed

0
579

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan dib-u-heshiinta ah ee lagu nabaddeenayo walaalaha ay dhibtu kala gaartay, waxuuna tilmaamay in ay shacabka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin nabadaynta dalka iyo in laga heshiiyo waxkasta oo laga dhexalay bur-burkii dawladnimo.

“Soomaaliya waa dal ay ku nool yihiin Bulsho isku-Af , Dhaqan iyo Diin ah, taasina waxay inoo fududaynaysaa in aan ka gudubno caqabadaha noo diidan in aan noqono Bulsho ku nool dhul ay ka jirto amni iyo nabad dadyowga caalamkuna uu ku daydo.

“ Nabaduna waa mida aan anaggu samaysano sidaas owgeed waa in aan aqbalnaa codsiga ay noo soo bandhigayn dadkii dushooda lagu dagaalamay, si ay qalbiyadeenu iskugu furmaan. Taasina waxay noqonaysaa midii midayn lahayd Soomaaliya oo dhan.” Ayuu yiri R/W Khayre,

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray Odayaasha dhaqan, Siyasiinta iyo bulshada ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose in ay meel uga soo wada jeestaan nabadaynta maanta ka bilaamatay gobolkooda, kuna dadaalaan meel-mirinteeda, waxuuna u mahed-celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay dib-u-heshiisiintan.

Halkaan ka dhegeyso Khudbada Raysalwasaaraha.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here