Dhegeyso-Ciidanka Kenya oo burburiyey Kastamkii iyo Saldhigii Baladxaawo

0
256

Taliyaha ciidanka goblka Gedo ee Soomaaliayaa Guhaad Maxamuud Macalin Cumar ayaa sheegay in Kenya ay usoo baereertay boob ay ku hayso dhuklka Soomaaliaya.

Taliyayaha ayaa Radio Daljir Usheegay in kastamkii kuyaallay Baladxaawo iyo saldhigii ciidanka ay burburiyeen ciidanka Kenya asgoona eedeeyay ciidanka Jubbaland.

Magaalada Baladxaaawo ee Gobalka Gedo ayaa todobaadyadii u danbeeyey waxaa ka taagnaa muran dhanka xuduudka ah oo u dhexeeyey dadka deegaanka iyo ciidanka Kenya oo la sheegay inay xad gudub kusoo sameeyeen xuduudka Soomaaliya.

Ciidanka Kenya ayaa wararku sheegayaan inay joojiyeen dhismaha darbiga ay xuduudka ka wadeen kadib markii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyata.

Halkaan ka dhegeyso Waraysiga.

Puntlandonline.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here